Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeelanaya Xubno ka Socda Dowlada Maraykanka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan Gaar ah uu la qaato wafdi ka socda Dowladda Mareykanka iyo Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya ee Donald Yamamoto.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay ku waramayaan in kulanka uu ka dhici doona Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde loogana hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka, is marin waaga ka taagan doorashada iyo taageerada Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Iyadoona Wararka ay intaasi raacinayaan in kulanka ay ka qeyb  geli doonaan Diblomaasiyiin kala duwan oo ka socda dowladda Mareykanka, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo laga helay.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ugu baaqay inay xal buuxa ka gaaran doorashada ka dhaceysa dalka isla markaana laga fogaado wax kasta oo abuuri kara qalalaaso siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo xalin lahaa is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka, waxaana Wakiilka Qaramada Midoobay James Swan uu kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Si klastaba kulankaan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyada oo Natiijo la’aan kusoo dhammaaday Shirkii Madaxda dowladda, kuwa Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply