Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Tegaya Magaalada Baraawe

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta ku wajahan yahay Magaalada Baraawe Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilo wareed aan ka helnay Madaxtooyada Dalka waxay inoo sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu Baraawe ka dhagax dhigi doono Barnaamijyo Hormarineed oo Xarumo Waxbarasho ku jiraan taas oo Qaramada Midoobeey dhisi doonto.

Inkastoo Villa Soomaaliya aysan sheegin safarka Madaxweynaha inuu dhulka ama cirka noqon doono,hadana waxaa loo badinayaa in diyaarad Madaxweynaha ka qaado Magaalada Muqdisho.

Waxa uu Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Xariga ka jari doonaa Dhabaha Diyaaradaha ku ordaan Ee Garoonka Baraawe oo dib udhis muddo kusocday lasoo geba gabeeyey taas oo riyo rumowday u aheyd Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowr cisho ka hor waxaa Baraawe tagtay Marwada Qaranka Seynab Cabdi Macalin,waxaana wafdiga Madaxweyne Farmaajo ku jira Xildhibaano iyo Wasiiro Katirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya iyadoo Mas’uuliyiin katirsan Koonfur Galbeed ay halkaasi kusii sugan yihiin.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply