Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Iran Oo Corono Virus Ku Dhacay

Majalada Caalamiga ah Ee Indepedent Kana Soo Baxda Ingiriiska ayaa waxay soo saartay Warbixin ay kaga hadleyso in Cudurka Corono Virus-ka Laga Helay Madaxweyne kuxigeenka Dalka Iiraan.

Baaritaanka lagu sameeyey Masoumeh Ebtekar  ayaa lagu ogaaday in laga helay Caabuqa,iyadoo Karantiilid lagu bilaabay.

Dalka Iiraan oo Bariga Dhexe ka mid ah Dalalka ku yaalla ayaa 254 gaarayaan dadka la il daran hadda,24 saac gudaheed waxaa udhintay Cudurkani 26 Qofood.

Madaxweyne kuxigeenka Iiraan oo ah Haweeneey ayaa waxay hadda ka dhigeysaa mid cabsi ku abuureysa Madaxda Dalkaasi,iyadoo Shalay Wasiir kuxigeenka Caafimaadka laga helay maanta gelinkii dhexena la xaqiijiyey in Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada iyo Arimaha Dibada Baarlamanaka Iiraan isna laga helay.

Waxaa Soo Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply