Madaxweyne Qoor qoor Oo Arinta Shirka Dhuuso mareeb 3 Ka Hadlay

Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga ayaa munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo soo dhaweyn ah xalay ugu sameeyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”.

Qaar kamid ah jaalliyadda oo ka hadlay munaasabadda ayaa madaxweynaha Galmudug ku amaanay howlaha muhiimka ha ee u qabsoomay muddada kooban ee uu xilka hayay.

Madaxweynaha maamulka Galmdug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa jaalliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga uga mahadceliayay soo dhaweyntooda, isagoo ku dhiirrigeliyay iney sii wadaan isku duubnidooda.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu sheegay in Shirka Dhuuso mareeb Wejigiisa 3aad la guda geli doono.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply