Madaxweyne Waare Oo Deeq Gaarsiiyey Maxaabiista Kuxiran Beled weyne

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare oo deeq uu ugu talo talay maxaabiista Xabsiga Beledweyne la gaarsiiyay

Deeqda la gaarsiiyay Maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Magaalada Beledweyne, ayaa isugu jirtay raashiin, xoolo, iyo dhar waxaana Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare uu ugu talo galay in ay looga farxiyo Maadaama maalmaha ciida lagu jiro.

Wasiirka Cadaalada Iyo Garsoorka Hirshabelle Mudane Cabdi Baar oo deeqdani ku wareejiyay Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Beledweyne ayaa sheegay in deeqdani ka timid Madaxweyne Waare uu ugu talo galay in maxaabiibta lagaga farxiyo, maadaama maalmihi ciida lagu jiro, waxaana Wasiirka Sidoo kale uu sheegay In Wasaaradda Caafimaadka Hirshabelle ay diyaarisay Dhaqaatiir la rabo in ay la socdaan caafimaadka maxaabiibta.

Dhinaca kale wasiirka oo sii hadlay ayaa ka sheekeeyay muhiimada ay leedahay dib u dhiska Xabsiyada Hirshabelle, waxaana uu xusay in dhowaan ay bilaabayaan Mashaariic dib u dhis iyo horumarin lagu sameynayo xabsiyada.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply