Madaxweyne Waare Oo La Kulmay Wasiirada Federaalka Ee HirShabelle Kasoo Jeeda

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Muqdisho kula Kumay qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira Xaaladda Hirshabelle.

Madaxweynaha Wasiirada uu la kulmay ayaa kala Ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dalka mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaareiinta Axmed Cabdi Canshuur, Wasiir ku Xigeenka Gaadiida Badda Cismaan Cabdi Daalo, waxaana ay iska xog wareysteen Madaxweynaha Iyo Wasiiradaas Xaaladda Siyaasadeed, Midda amni, iyo Tan Bulsho ee Hirshabelle, iyo Horumarinta Guud ahaan Deegaannada State-ka.

Sidoo kale Kulanka Waxaa Madaxweyne Waare Ku Wehlinayay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Cabdi Xuseen Geedi, iyo Wasiirada Madaxtooyada, Amniga, iyo Dib u Heshiisiinta Hirshabelle.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply