Mahdi Guled”Cabdi Xaashi Waxa Uu Noqday Hogaamiyaha Mucaaradka Dawlada”

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Raisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Oo Ka Hadlayay Go’aanadii Diidmada Ahaa Ee Kasoo Baxay Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Iyo Khilaafka Soo Jiitamayay Ee Gudoomiyaha Aqalka Sare Kala Dhaxeeya Madaxda Dalka Ayaa Dhaliilay Hanaanka Siyaasadeed Ee Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Raisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Waxaa Uu Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi Ku Qeexay Hogaamiyaha Mucaaradka Dawlada, Islamarkaana Uu Had Iyo Jeer Uu Heegan Uyahay Khilaafka Madaxda Dawlada.

Isago Sii Hadlayay Mahdi Guleed Waxaa Uu Carabka Ku Dhuftay In Shaqooyinkii Golaha Aqalka Sare Ay Gabi Ahaanba Istaageen, Aysana Jirin Kulamo Ay Yeeshaan, Gudoomiye Cabdi Xaashina Uu Si Qaawan Ugu Tumanaysho Hanaanki Sharci Dajinta Iyo Labadii Awoodood Ee Golaha Shacabka Iyo Aqalka Sare Ee Dalka.

Raisul Wasaare Ku Xigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed Khadar AYaa Hadalkan Ka Jeediyay Waraysi Gaar Ah Oo Uu Siinayay Warbaahinta Horufadhi Media TV, Xilli Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi 72-Kii Saac Ee Ina Dhaaftay Uu Soo Saaray Labo Wareegto Oo Uu Ku Qaadacay Guddiyadii Uu Magacaabay Raisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *