Mas’uul Katirsanaa Dawlada Bangladesh Oo Maanta Cudurka Covid 19 U Dhintay

Xoghayihii Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Bangaaladheesh Cabdullaahi Al Muxsin Jowdari ayaa maanta ugeeriyooday Caabuqa Covid 19.

Cusbitaal ku yaalla Caasimada Dalka Bangaaladheesh Ee Dhaka ayuu saaka oo isniin aheyd ku xijaabtay Mas’uulkaan katirsanaa Wasaarada Difaaca Waddankaasi.

Abaare 9:35 daqiiqo Saaka Xilliga Saacada Dalkaas ayaa uu dhintay,sidaas waxaa xaqiijiyey Bahasaani Mirsaa,oo qeybta Xog heynta Wasaarada isna ku jira.

Warbaahinta Daily Star waxay sheegtay in 29-kii bishii hore Ee May Laga helay Muxsin Cudurka iyadoo maanta oo 29 Juun bil laga joogo kadib udhintay Cudurkaasi haleelay.

Faqriya Cabdullaahi oo aheyd Xaaska Ninkaasi ayaa sheegtay in 6 bishaan ilaa 18 Bishaan Xaaladiisa ay aad uliidatay ka hor inta saaka uu xijaabanin ama udhiman Caabuqa Corono.

Wuxuu ahaa 57 Sano Jir,waxaana la sheegay inuu aad ugu dhawaa Dawlada Bangaaladheesh.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply