Mas’uuliyiinta Maxkamada Ciidamada Puntland Oo Xilkooda ku Waayay Xubno Alshabaab Ah Oo ka Dayeen Xabsiyada,

Wasiirka arrimaha gudaha maamul goboledka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xilkooda ku waayeen, loona xiray in ay siidaayeen dad ku eedeeysan inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Wasiir Dhabancad wuxuu sheegay in mas’uuliyiintaan oo ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ay hadda ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysnaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland ayaa xusay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarro ka qaata Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarrada kasoo qaata meelo kale. Dadka noocaas ah ciddii koofiyada saaratay, haddii ay ogaan la haayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir Dhabancad..

Si kastaba Maamul goboledka putland ayaa inta badan isku howla sidii ay Alshabaab ugu saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan Maamulkaasi..

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply