Maxkamad Xukun Adag Ku Riday Gabar Muuqaal Tiktok Soo Gelisey

Maxkmada Sare Ee Dalka Masar ayaa Xukun ku riday Gabar iska soo duubtay Muuqaal Muusik la saaray kadibna Barteeda Tiktok ku faafisey.

Samaa Al Masri ayaa waxa lagu xukumay Seddex Sano Oo Xabsi ah,iyadoo sidoo kale bixineyso Lacag dhan 300 Kun oo Lacagta Masar una dhiganta 18 Kun dollar iyo Shan Boqol.

Waxa Gabadhaan oo Heesaa ah sidoo kale ay sidoo kale tahay mid Heesaha Carabiga qaada waxaana Lagu Heystaa inay Muuqaal Jirkeeda qeyb ka mid ah muuqdo laga arki karay iyadoo dad badan ay ka hadleen Fal celinta.

Bishii April Sanadkaan ayaana Xabsiga la dhigay Samaa Al Masri iyadoo ugu dambeyn Muuqaalkaas sababsatay Xukunkaasi Maxkamada ku riday.

Sabtidii shalay ayaa Xukunka la dul dhigay Samaa Al Masri,waxaana dad badan oo isku soo baxay ay dalbadeen in Xukunka laga qafiifiyo Gabadhaas caanka ka aheyd Barta Tiktok gudaha Masar.

Bal is weydii Soomaaliya Wiilal iyo gabdho Muuqaalo Jirkooda muuqda ee soo dhigaya hadii ay Maxkamad xukumi laheyd bal inay yaraan lahaayeen kuwa sidaa isku soo duuba.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply