Midowga Musharaxiinta Oo Baaq Culus Udiray Madaxwayne Farmaajo.

War Qoraal Ah Oo Ay Maanta Soo Sareen Golaha Midowga Musharaxiinta Xilka Madaxtinimaada Ayaa lagusoo Dhaweeyay Hadalkii Kasoo Yeeray Maamulada Puntland Iyo Jubaland Ee Ku Aadanaa In Shir dag Dag Ah Ay isugu Yimaadaan Saamilayda Siyaasada Iyo Gudigii Doorashoyinka Oo Ay Soo Sareen.

Warka Kasoo Baxay Midwoga Musharaxiinta Ayaa Dhanka Kale Waxaa Ay ku Sheegeen In Ay cadeeynayaan in uu dhameystiray turxaan bixinta Guddiyada doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad goboleed ee aan soo buuxin shuruudaha waafaqsan sharciga, isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo gudbiyaan liiska, hadii la helo Goob iyo qaab loo hubiyo Guddiyada.

Midowga Musaharxiinta Waxaa Ay Madaxwayanah Jamhuuriyada Ugu Baaqeen In Uu Qaato kaalin Masuuliyadeed Si Xal loogu Helo isqab Qabsiga Daba dheeraaday Ee Doorashooyinka Iyo Si Uu Uhirgalo Heshiiski 17kii Sept.

Sidoo kale Xubnaha Beesha Calamka Ayaa Lagu Booriyay In Ay Laban laabaan Dadaalada Isku Keenista Ah Oo Ay Wadaan Si loo Tir Tiro Khilaafyada Siyaasadeed Ee Jira.

Ugu Danbayn Golaha midowga Mushaarxiinta Warka Kasoo Baxay Waxaa Looga Digay Madaxwayne Farmaajo in uu Qabto Doorasho hal Dhinac Ah Islamarkaana Halis Ku Ah Xasiloonida, Midnimada Iyo Wadajirka Dalka Waa Sida Lagu Yiri Warka Kaso Baxay Midowga musharaxiinta Madaxtnimada Dalka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply