Midowga Musharixiinta Oo shegay in farmaajo Uu Inqilaab ku qabsaday dalka ……..

Hoggamiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha Mudani Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xubno kamida midowga musharaxiinta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka hadlay xaalada dalka iyo mudada xilheynta Madaxweyne Farmaajo oo dhamaatay .

Kulankooda kadib ayaa waxaa  Warbaahinta la hadlay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, iyaga oo Farmaajo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay waxyaabo ay kamid yihiin garsiinta doorasho dalka iyo dhameystirka Dastuurka.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo hadlay ayaa sheegay in Farmaajo uu ku fashilmay in dalka uu ka qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda, isla markaana heshiis la gaari waayay Madaxda dowlad Goboleedyada, xili laga sugayay inuu heshiis Madaxda kala gaaro doorashada.

Isaga oo sii hadlaayay C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa waxaa uu tilmaamay in wixii Maanta ka dambeeya kursiga Farmaajo ugu fadhiyo uu yahay Inqilaab, wuxuuna Ciidanka dowladda Federaalka uga digay in loo adeegsado danno siyaasadeed.

Ugu dambeentii C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan waqti kale ku lumin Madaxweyne Farmaajo isla markaana aysan xiligaan aqbaleynin in kursiga lagu sii haayo Madaxweynaha dalka .

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply