Milateriga Mnyamar oo la wareegay Awoodda Dalkaasi.

Aung San Suu Kyi, oo ah hogaamiyaha xisbiga haya talada dalka Myanmar ee loo yaqaano National League for Democracy (NLD), ayaa la xiray, sida uu sheegay afahayeen u hadlay xisbiga.

Arintan ayaa imaaneysa iyadoo xiisad u dhaxeysa dowladda shacabka iyo militariga ay sii xoojineyso cabsida laga qabo in uu afgembi ka dhaco dalkaas.

Xisbiga NLD, ayaa kuraasta baarlamaanka dalkaas ka helay in ku filan, si uu u soo dhiso xukuumadda bisha November, balse ciidamada ayaa sheegay in codeyntaas ay ahayd mid la musuqmaasuqay.

Ciidanka ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maalinta Isniinta.

Afahayeenka xisbiga NLD, Myo Nyunt, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters khadka telefoonka ugu sheegay, in Ms Suu Kyi, madaxweyne Win Myint iyo hogaamiyeyaal kale la qabtay, aroornimadii hore ee saaka.

“Waxaan rabaa in aan dadkeena u sheego in aysan falcelin deg deg ah sameynin, waxaanna doonayaa in ay sharciga raacaan,” ayuu yiri, isagoona intaa ku daray, in uu filayo in isagana la xiri doono.

Qadadka telefoonka iyo Internetka magaalada Naypyitaw, ayaa go’an, sida ay sheegayaan wararka halkaasi ka imaanaya.

Askarta, ayaa sidoo kale tagay guryaha madaxda wasiirada ee gobollo dhowr ah, iyagoona kaxeystay, sidaas waxaa yiri xubnaha qoyska.

Sabtidii, ciidamada qalabka sida ee Myanmar, ayaa balanqaaday in ay u hogaansamayaan dastuurka, iyadoo uu jiray walaac laga qabo inay isku diyaarinayeen in ay afgembi sameeyaan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply