Muuqaal Ay Duubeen Kaamirooyinka Qarsoon Oo Sababay Banaanbax Rabshado Wata

Madaxa booliiska gobolka Atlanta ayaa xilka iska casilay ka dib markii booliiska gobolkaasi ay toogteen nin madow Amerikan ah.

Waaxda dambi baarista ee gobolka Georgia ayaa baaraysa dhimashada Rayshard Brooks, oo 27jir,.

Waxa ay dambi baarayaashu ay baaritaan ku hayaan muuqaal ay duubeen kamarooyiinka ammaanka ee CCTV loo yaqaano ee ku yaalla gudaha hoteleka Wendy iyo waliba dad goobjoogayaal ahaa oo su’aalo la waydiinayo.

Wararka ayaa sheegaya in booliiska looga yeeray Hoteelka sababtoo ah Mr Brooks oo dhex hurday gudaha gaarigiisa taasi oo ilinka ka xirtay gawaaridii kale ee goobtaasi ka bixi lahaa.

Sida ay booliiska sheegeen, Mr Brooks ayaa ka dhaga adeegay xaritaan ay doonayeen in ay booliiska xiraan.

Warbixin hordhac ah oo ay soo saareen waaxda dambi barista ee gobolka Georgia ayaa lagu sheegay in muuqaalka ay kamarooyiinka duubeen ay muujinayaan booliiska oo gudaha hotelka ku dhex ceyrsanaya Mr Brooks.

Muuqaal uu duubay qof goobjooge ahaa ayaa la arkayay, Brooks oo dhulka jiifa islamarkana la xarbinaya laba askari.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply