Muwaadiniinta 57- dal oo loogu baaqay in ay ka baxaan xeryaha Qaxootiga Suuriya…

 Khubarada Qaramada Midoobe u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqay  57 dal in ay si deg deg ah muwaadiniintooda ugala baxaan  xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalka Suuriya.

Khubarad ayaa sheegay in xaalad halis ah oo bini aadanimo ka jirto xeryaha qaxootiga gaar ahaan labada xero ee Al-hool iyo Rooj oo ay ku sagan yihiin qaxooti badan.

Qaxootiga ku jira xeryahaas ayaa lagu qiyaasaa inay gaarayaan  64,000, oo ay ka mid yihiin dad kasoo jeeda wadamada Azerbaijan, Georgia, Kazakhstan, Russia, Tajikistan iyo Uzbekistan.

Khubarada Qaramada Midoobe ayaa intaas ku daray in  80% dadka ku jira xeryahaas yihiin  haween iyo carruur, isla markaana in ku dhow kala bar carruurta ay ka yar yihiin shan sano.

Dadka ku jira xeryaha qaxootiga ee Suuriya ayaa la kulma dhibaatooyin kala duwan kuwaas oo uga imaanaya kooxa hubeysan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply