Nidaamka Howlaha aasaasiga ee AMISOM Oo Si Rasmi Ah Uga Bilowday Soomaaliya

Maamulka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa maanta soo saaray qoraal dukumiinti ah oo qeexaya waajibaadka howlwadeennada ee la xiriira  habraaca ilaalinta deegaanka.

Qoraalkaan ayaa lagu sheegay in howlwadeennada ay waajibka ku tahay dhaqan gelinta dhamaan nidaamka ilaalinta deegaanka,gaar ahaan marka ay fulinayaan waajibaadka ka saaran howlgalka nabad ilaalinta.

Dukumentigaan oo cinwaan looga dhigay Nidaamka Howlaha aasaasiga ee AMISOM (SOPs), waxaa Arbacadii si rasmi ah u bilaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Danjire Francisco Madeira.

Faah faahin dheeraad ah lagama bixin qaabka lagu shaqeyn doono Habraacaasi,xilli Ciidanka AMISOM ay gobollo badan Soomaaliya kusugan yihiin kana howlgalaan.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply