Nin Hore Dawlada Lugta Kaga Goysay Oo Xukun Xabsi Daa’in Maanta Lagu Riday

Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun Daai’in ku riday Xubin ka mid ah Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, kaasi  oo loo heysto in uu ka mid ahaa Al-Shabaab, qeybtooda fulisa weerarrada tooska ah ee lagu qaado fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Cabdiraxmaan ayaa 26-kii bishii September Sanadkii hore 2019-kii lagu qabtay Deegaanka Baladul-Amiin, Ee Gobolka Shabellaha Hoose isaga oo dhaawac ah, sida saakay laga hor sheegay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, iyadooMaxkamadu go’aamisay 17-kii Febraayo in la galo dhageysiga dacwadda ka dhan ah Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaana garsoorayaasha u sheegay in eedeysanaha la soo qabtay isaga oo dagaal ku jira.

Sidoo kale Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in Cabdiraxmaan uu ka qeyb galay weeraro ka kala dhacay Deegaanada Bariire, Buulo-Mareer, Baraawe iyo Golweyn,oo dhamaantood katirsan Gobolka Shabellaha Hoose, tan iyo markii uu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2010-kii, xilligaas oo uu ka raacay magaalada Wanla-weyn.

Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in Ama Cimrigaa haku furto sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka Sida G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Sidoo kale Guddoomiye Shuute ayaa sheegay in xukunsanaha uu heysto fursad rafcaan uu ku qaadan karo muddo ku siman 30-cisho gudahood.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply