Puntland Oo Ka Hadashay Xubno Katirsan Al Shabaab Ay Nolosha ku Qabteen

Dowlad goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo Al-shabaab iyo ciidanka Puntland ku dhex maray buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/le Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 10 ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay nolosha ku qabteen xubno katirsanaa Dagaalyahanadaasi isku dayay in ay weeraraan ciidanka Puntland, wuxuuna carabka ku adkeeyey in cadaaladda la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Weerarkaan ayaa Al-shabaab waxaa ka soo gaaray jab xooggan oo isugu jira dhimasho,dhaawac iyo dad nolosha looga qabtay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply