Qaabkii Hoyga Wasiir Janan Looga Soo Saaray Hubka [SAWIRRO]

Ciidamada Dawlada Ee Kusugan Degmada Dooloow Ee Gobolka Gedo ayaa waxay howgal qorsheysan Habeenimadii Xalay ka fuliyeen hoyga Wasiir Janan Ee Ku yaalla Halkaasi.

Saraakiil ku dhaw C/rashiid Janan waxay sheegeen in wax lala yaabo ay noqotay arintaan oo in qal qal lagu abuuro Haween iyo Carruur kusugneyd gurigaasi.

Inkastoo Wasiirka Amniga Jubbaland ka hadlin howlgalkaas hadana waxaa lasoo warinayaa in hub Qoriga BKM (Daba jeexa) ku jireen lasoo qabtay oo Ay Dawlada gacanta ku heyso.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in rasaas iyo sanaadiiq taallay Guriga oo hub ku jireen ciidamada Dawlada Gaadiid ku rarteen.

Warar kale oo naga soo gaaray Degmada Mandheera Ee Gobolka Wuqooyi Bari Kenya Duleedkeeda ayaa Wasiir Janan uu Ciidankiisa kula dar daarmay inay duulaan qaadi doonaan.

Lama oga halka uu duulaanka ku yahay waxaana la sheegay in xiisad colaadeed weli ka jirto qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply