Qarax Ismiidaamin Ah Oo Lagu Weeraray Safaarada Mareykanka Ee…

Ismiidaamiye ayaa waxa uu weerar ka fuliyey Banaanka hore Ee Safaarada Mareykanka Dalka Tuniisiya gaar ahaan Magaalada Caasimada Ah,jimcihii shalay.

Weerarkaas waxaa lagu dilay Askari katirsanaa Booliska iyadoo lix kalena ay dhaawacmeen,waxaana socda baaritaan ku aadan weerarkaasi.

Maleeshiyaad jihaad doon ah ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkaas oo dhowr mar soo laab laabtay hujuumka ay fuliyaan. 

Tan iyo 2015 markii ay Daacish sheegteen Mas’uuliyada weeraro ka dhacay Caasimada Tuunis,waxa la adkeeyey Amniga Dalkaasi oo bilo ka hor Doorashada madaxweynaha Qaran.

Qaraxii Shalay Galab dhacay waxa uu dib u laab kiciyey Halistii Daacish islamarkaana amniga Xarunta Safaarada Mareykanka ciidamo badan la geeyey.

Wasaarada Arimaha Gudaha Tuniisiya ayaa sheegtay in Labo Qof keliya ay xaqiijiyeen weerarkaas inay fuliyeen,baaritaana lagu sameenayo sida loo fududeeyey.

Ilaa Hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi ka dhacay Caasimada Tuniisiya Ee Tunis.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: https://www.japantimes.co.jp/

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply