Qarax Ismiidaamin Ah Oo Saaka ka Dhacay Muqdisho

Abaare 7:50 Daqiiqo Subaxnimadii waxaa Qarax Xoogan laga maqlay Afaafka Hore Ee Dekada Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa ismiidaamin loo adeegsaday gaari walxo qarxa ka buuxeen,iyadoo lasoo sheegayo in khasaaro kala duwan uu geystay.

Si gaar ah Qaraxa waxa loogu weeraray Xarunta Ilaalinta Canshuuraha Ee kasoo horjeeda Dekada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya,Saadaq Doodishe ayaa sheegay in weli la ogaan Karin khasaaraha ka dhashay dhimasho iyo Dhaawac.

Waxa goob joogayaal ay sheegeen in dad muruq maal usocday Dekada Muqdisho ay ugu badan yihiin dadka waxyeelada soo gaareen.NAGA FILO WIXII SOO KORDHO INSHA ALLAAH

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply