Qarax Khasaaro geestay Oo ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Qaraxaan oo noociisu ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa Uu Maanta ka dhacay Deegaanka Carbiska ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dad Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramacad oo ilaala ka haya shaqaalaha dhisaya wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay waxyeelo kasoo gaartay Saddex Askari, kuwaas oo kamid ahaa Ciidamada qaraxa lala Beegsaday xilli ay ku jireen howlahooda Shaqo.

Ciidamada ayaa qaraxa kadib waxaa ay sameeyeen howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaas, waxaana hakad galay muddo daqiiado ah isku socodka dadka iyo gaadiidka kuwas oo isticmaala wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye..

Laamaha amniga dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin qaraxaas, waxaana dhowr jeer weeraro qaarxyo ah lagu qaaday Injineerada Turkiga ee dhisaya  wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoona ay ku dhinteen Injineero isugu jira Soomaali & Turki.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply