Qarax Lagu Dilay Mas’uul Katirsanaa Soomaaliland Oo Ka Dhacay….

War galabta ah kusoo dhacay Warqbadkeena ayaa xaqiijiyey in Qarax lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamada Uqaabilsanaa Soomaaliland Gobolka Sool Allaha unaxariistee Xasan Sheekh.

Garyaqaanka ayaa la ogeyn cida Qaraxa la beegsatay Gaari uu la socday,waxaana aad u kooban xogta la hayo.

Qaraxa ayaa ahaa miinada nuuca dhejiska loo yaqaano,iyadoo gaari Nooha ah oo Mas’uulkaasi saarnaa loogu xiray sidaana uu ku qarxay.

Magaalada Laas caanood Ee Caasimada Gobolka Sool ayaana lasoo sheegayaa in qaraxa uu ka dhacay inkastoo dadka ay sheegayaan in wararka ugu dambeeya ay yihiin kuwo isa soo tarayaan.

Ma jirto war kasoo baxay Maamulka Soomaaliland oo looga hadlayo qaraxaasi lagu dilay Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Sool.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply