Qarax Lagu Dilay Mas’uul Katirsanaa Degmada Afgooye

Waxaa Casir liiqii Galabta uu Qarax miino kadhacay Duleedka Degmada Afgooye kaas oo loo dhigay Kollonyo gaadiid ah ay la socdeen Ciidamo Katirsan Booliska Degmadaasi.

Taliyaha Saldhiga Afgooye C/qaadir Cusmaan Mursal iyo Seddex Askari oo ilaalo u aheyd ayaana la sheegay inay ku dhinteen Qaraxaasi.

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Cusmaan Carab ayaa Maqribnimadii Caawa inoo xaqiijiyey in Weerarkaasi uu dhacay laguna dilay Taliyaha Saldhigaasi iyo Istaafkii la socday qaar.

Ma jirto warar dheeraad ah oo laga helay Qaraxaas marka laga soo tego xogtaas kooban ee la bixiyey,iyadoo Duleedka Afgooey Qaraxa uu ka dhacay Casirkii Galabta markii ay aheyd.

Cid Sheegatay Ma jirto Qaraxaas balse weerarada nuucaan oo kale ah waxaa sheegta Xarakada Al Shabaab.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply