Qaraxyo Laga Aasay Wadada Isku Xirta Jowhar Ilaa Muqdisho Oo La Fashiliyey

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya ayaa ugu yaraan Saddex ka tirsan Al-Shabaab waxay ku dileen Tuulada Ceelka-geeloow xilli ay Miino ku aasayeen Wadada, ka dib howl-gal ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howl-galka uu ujeedkiisu ahaa ka sifeynta Al Shabaabka Wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo dhibaateeya Dadka shacabka ah ee safarka ah iyo Gaadiidka ay la socdaan,sida uu warka udhigay.

Gaashaanle Ismaaciil ayaa sheegay intii ay howl-galka ku jireen in ay kusoo saareen Miinooyin ay Al-shabaab galiyeen inta udhexeeysa Balcad iyo Jowhar, isagoo wacad ku maray in ay cadawga ka sifeyn doonaan halkaasi iyagoo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply