Qasaaro Ka Dhashay Labo Qarax Oo Ka Dhacay Afgaanistan.

Dalka Afgaanistaan laba qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen laba qarax baabuur oo ka dhacay caasimada Kabul intii lagu jiray saacadaha Kala Wareega Maanta Oo  Talaado Ah.

Laamaha Amaanka Ayaa Sheegay In Labada Qarax Oo Daqiiqado Kooban Kala Danbeeyay Ay gaysteen Qasaaro Ka Baaxad Yar Intii Lala Damacsanaa Wa Sida Ay Sheegeene.

Afhayeen u hadlay booliska Oo Lagu Magacaabo Ferdaws Faramarz ayaa saxaafadda u sheegay in laba qof ay ku dhinteen inta la ogyahay Tiro Kalana ay ku dhaawacmeen qaraxii koowaad, halka laba qof oo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa labaad, oo lala beegsaday gaari ay la socdeen Xubno Ka Tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Ee Dalkaasi Afgaanistan.

Wili Majirto Cid Sheegatay Mas’uuliyada Qaraxyada Maanta Ka Dhacay Caasimada Kabul, balse Ururka Taaliban Ayaa Laban laabay Weerarada Ay Dalkaasi Ka Fulinayaan Iyadoo Ay Xusid Mudantahay In Wadahadalo usocdan Dawlada Afgaanistan Iyo Ururkasi Taliban.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply