Qatar Oo Ka mamnuucday Dalkeeda inay Galaan 14 Dal Dadka Ka Imaanaya

Dawlada Qatar ayaa ku dhawaaqday inay 14 Dal Rakaabka ka imaanaya ay mamnuucday si kumeel gaarka inay Waddankeeda soo galaan.

Cabsi laga qabo Cudurka Corono Virus Awgeed ayaa la sheegay in loo joojiyey dadka ka imaanayey Dalalkaasi la carabaabay.

Axadii shalay ayaa la xanibay in Dalalka kala ah Bangladesh, Shiinaha, Masar, Hindiya, Iiran, Ciraaq, Lubnaan, Nepal, Bakistaan, Filibiin, Kuuriyada Koonfureed, Sirilaanka, Siiriya and Teylaandi.

Waxay Dawlada Qatar Sheegtay in dalalkaasi aan laga ogolaan doonin inay Dalkeeda Dalxiis ku yimaadaan,inkastoo la sheegay ilaa 15 Bishaan Xanibaada ay saaran tahay.

Warkaan waxaa soo saaray Warsaarada Caafimaadka Qatar iyadoo sheegtay inay Dunida oo dhan 3 kun iyo Shan Boqol qof udhinteen waxaana sariir la jiifa Boqol kun Cudurka COVID19 sida ay shaacisey Hay’ada Caafimaadka Caalamka Ee WHO.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: https://www.yenisafak.com/

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply