QM Oo Soo Dhaweysay Shirkii Uu ku Baaqay M/weyne Farmaajo.

War Qoraal Ah Oo Lagu Daabacay Xafiiska QM Ee Somalia AYaa siwayn Loogusoo Dhaweeyay Shirkii Uu Madaxwaynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo Ugu Baaqay In Magalada Dhuusamareeb AY Isugu Yimaadan Madaxda Dawlad Goboleedyada Iyo Gudoomiyaha Gobolka Banadir.

Xubanah Qaramada Midoobe AYaa Dhanka Kale Ku Booriyay Madaxda Somalida In Ay Si Dag Dag Ah Xal Kaga Gaaran Arimaha Doorashooyinka Iyo In Laga Miro Dhaliyo Go’aanadii Shirkii 17kii September Ee Sanadkii Hore

. “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan shirka uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ isugu yeeray Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Fedaraalka ah magaalada Dhuusamareeb, waxa ayna ku boorrinayaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay heshiis isku tanaasul gaaraan si degdeg loogu fuliyo nuucii doorasho ee 17-kii Sebtembe” Ayaa Lagu Yiri Qoraalka Qaraamada Midoobe.

Xubnaha Beesha Caalamka Ayaa Maalintii Shalay Gulan Gaar Ah La Qaatay Madaxwaynaha Dalka Waxaana Kulankaasi Si Gaar Ah Looga Arinsaday Sidii Doorasho Laisla Ogolyahay Uu Dalku Ugu Dhaqaaqi Lahaa

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply