QOOR QOOR OO KU WAJAHAN JIIDA DAGAALKA DEGANADA MAMULKASI.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor” Oo galinkii Danbe Ee Shalay Dib Ugu Laabtay deegaanaad maamulkasi Gaar Ahaan Magaalada gaalkacyo AYaa Maanta Ku Wajahan Deegaano Ay Ka Dhacayeen Dilala la Xiriira Aanooyin Qabiil Iyo Deegaano Ay Ku Dagaalamayeen Alshabaab Iyo dad Shacab Ah.

Madaxwayne Qoor Qoor Aya Socdaalkiisa Ka Bilaabaya deegaanka Bacaadwayn Iyo Deegaano Kale Oo ka Tirsan Gobolka Mudug Halkaas Oo Waayihii Danbe Ay ku Dagaalamayeen Xubno ka Tirsan ALshabaab Iyo Dadka Degaanka.

Wafdi Hordhac Ah Safarka Madaxwaynaha Oo uu Horkacayay Wasiirka Amniga Maamulkasi Axmed Macalin Fiqi AYaa Gaaray deegaanka Bacaadwayn Halkaas Oo la Filayo In Ay kuso Dhaweeyan Xubnaha Uu Hogaminayo Madaxwayne Axmed cabdi Kaariye”Qoor Qoor”

Dhanka Kale Madaxwaynaha Galmudug Ayaa Kormeer Ku Mari Doona Deegaano Ka Tirsan Gobolka Galgaduud Oo Maleeshiyaad huabaysan Ay Aanoyin Qabiil Dilal Isugu gaysanayeen.

Madaxwaynaha Ayaa Shacabka Iyo Odayaasha Dhaqanka Kala Hadli Doona Joojinta Dagaal Beeleedyada Soo Noq Noqday Iyo Qaadashada Nabad Lagu Wada Noolaado.

Sikastaba Ha Ahaatee Mudooyinkii Danbe Deegaano Dhawr Ah Oo ka Tirsan Maamulka galmudug Wxaa Ka Dhacayay Dilal Iyo Dgaalo Salka Ku haya Aanooyin Qabiil Iyadoo maamulka lagu Dhaliilaayay Wax Ka Qabasha La’aanta Arimahaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply