Raad reebka Dagaalkii Shalay Beled xaawo {Daawo Sawirada}

Waxaa raad reebka ka dhashay Dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Buula Xaawo Ee Gobolka Gedo lasoo warinayaa in hadda la ogaanayo guryo gubtay.

Madaafiicda la is weydaarsanayey qaar ayaa magaalada ugudbiyey taas oo shacab ay ku waxyeeloobeen.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dawlada Federaalka ayaana ku dagaalamay duleedka Magaalada Buula Xaawo,iyadoo Shacabka iyo Dhinacyadii diriray ay waxyeelo kala duwan soo gaartay.

Saaka Oo talaado ah xaalada waa ay deggan tahay mana jirin Rasaas la maqlay Shalay Salaadii Casir Kadib,balse mar kasta ayaa dagaal la filan karaa maadaama cid ku dhex jirta oo waan waan sameeneysa jirin xoogaga dagaalamay.

XIGASHO SAWIRADA: Wariye Jeylaani Xuseen Yuusuf

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply