Ra’iisal Wasaarihii Hore Ee Dalka Nuur Cade Oo Ku Geeriyooday London

Sida ay Xaqiijiyeen Eheladiisa Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa maanta oo Arbaco aheyd ku xijaabtay Magaalada London Caasimada Dalka Ingiriiska.

Waxa muddooyinkii dambe lagu baxnaaninayey Cusbitaal ku yaalla London Nuur Cade iyo Wiil uu dhalay ayaana ugu dambeyn Ra’iisal Wasaarihii Soomaaliya la sheegay inuu geeriyooday.

Xanuunka hayey Nuur Cade ayaa la sheegay inuu ahaa Caabuqa Corono oo laga helay Isbuucyo ka hor.

Xaaji Maxamed Nuur oo ah wiil uu dhalay Marxuumka ayaana geerida Aabihiis uxaqiijiyey Warbaahinta isagoo sheegay in Saaka uu naf baxay.

2007-dii ayaa Nuur Cade waxa loo magacaabay Ra’iisal Wasaarihii Dawladii Kumeel gaarka Soomaaliya,waxaana Madaxweynihii Xilligaas C/llaahi Yuusuf Axmed ay muddo kadib is khilaafeen sidaasna xilka uga tegay Nuur Cade.

Waxa uu ahaa Feyla suuf dhanka siyaasada muddo gaaban kusoo jiray balse ahaa Danjire Dalka iyo Xaalkiisa Siyaasadeed si dhaw ula socday Sanadihii dambe.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply