RW Israaiil Oo Eedo Musuq Maasuq Maanta Maxkmaad Looso Taagayo……

Raisul Wasaaraha Dalka Israaiil Benjamin Nettenyahu AYaa Maanta Kasoo Muqday Maxkamda Iyadoo Loo Haysto Eedo Musuq Maasuq Oo uu Ku Kacay Xafiiskiisa.

Benjamin Netanyahu ayaa u sheegay garsoorayaasha inuusan wax dambi ah ka lahayn eedeymaha musuqmaasuqa, iyadoo maxkamad heer sare ah oo ka dhan ah raiisul wasaaraha Israel ay dib u bilaabatay todobaadyo ka hor doorashada qaran.

Ka dib muddo ku dhow Sanad Barkii oo hakad iyo dib u dhacyo soo noqnoqday sababo la xiriira faafida Crona, dhageysiyada ayaa dib loo bilaabay Maanta Oo Isniin Ah.

Maxkamadda Ayaa La Filayaa inay ku dhawaaqdo marag furka, markhaatiga iyo heerka caddeynta ee maxkamadda Kaas Oo La Xiriira Musuq Maasuq Isdaba Joog Ah Oo uu Ku Kacay Xafiiska Nettanyahu. Hogaamiyaha 71 Jirka Ah Ayaa Samaynaya isdifaacid Wayn Oo La Xiriiray Eedeymahaasi, Iyadoo Saddex Garsoore Ay Gacanta Ku Hayaan Kiiskiisa.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply