Sheekh Shaakir & Hogaankii Ahlusuna Oo Isku Dhiibay Dawlada Soomaalia

Xaalada ayaa Saaka Deggan Kadib Dagaalkii Shalay Ka dhacay Degmada Dhuuso mareeb iyo qeybo ka mid ah Degmada Guriceel.

Saraakiisha Ciidamada Dawlada Ee Kusugan Dhuuso mareeb waxay sheegeen in xal laga gaaray Dagaalkii dhacay ayna Madaxda Ahlusuna qaateen in Nabada ay ka shaqeeyaan.

Madaxweynaha Ahlusuna udoorteen Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan,Hogaamiyihii Ahlusuna Macalin Maxamed,Wasiirkii Amniga Galmudug Saadaq Sheekh Yuusuf iyo Ciidankii Xero Inji kusugnaa ayaa dhamaantood magan galay Gacanta Dawlada.

General Mascuud oo Hogaanka Laamaha Amniga Galmudug hadda uqaabilsan Dawlada Soomaaliya ayaa sheegay in wax dhibaato ah jirin oo ay Hogaanka Ahlusuna Gacanta Dawlada soo galeen.

Shalay Jimcihii dagaalkii ka dhacay Dhuuso mareeb ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana xaaladu ay saaka tahay mid deggan Xero Inji waxaa la wareegay Ciidamada Dawlada Soomaaliya.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply