Shirka Aayaha Siyaasadeed Ee Puntland Oo Maanta Ka Furmaya Garowe

Sida qorshaha yahay waxaa maanta oo axad ah ka furmaya magaalada Garowe Shirka Wadatashiga Puntland oo Mucaarad iyo Muxaafad la iskugu keenayo.

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Dani ayaa waxa uu casuumay Siyaasiyiinta iyo Bulshada kasoo jeeda Deegaanada Puntland oo saamiga iyo jiritaanka Puntland afti iyo talo ku leh.

In muddo ah waxaa socday Qaban qaabada Shirkaan oo maanta la daah furayo,goobaha waxbarashada Garowe ayaa la fasaxay Seddexda maalin uu shirka socdo.

Taliska Amniga Puntland waxay sheegeen in la xaqiijiyey Amniga taas oo shacabka laga dalbaday inay Ciidamada la shaqeeyaan,sida uu sheegay Taliyaha Booliska Puntland General Muxuyadiin Axmed Muuse.

Hadaba wafdi ka socda Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah martida Shirka ka qeyb geli doonta kuwaas oo doorkooda Kulanka kusoo bandhigi doona.

War murtiyeed ayaa la filayaa in laga soo saaro shirkaan oo inta badan la leeyahay Dawlada Dhexe Eeda ay ka tirsaneyso Puntland lagu soo bandhigi doono.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply