Shirka wadatashiga Madaxda DS & Dowlad Goboledyada oo Saacadaha soo aadan ka Furmaya Dhuusamareeb.

Maanta oo arbaco ah ayaa waxaa la filayaa in Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka galmudug in uu ka furmo shirka wadatashiga Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo dhamaanba kuwada sugan halkaasi.

Shirkan oo qorshihiisu ahaa inuu Furmo 1-dii Bishaan ayaa dib u dhacay iyadoona ay sabab u aheyd in Madaxda Dowlada iyo kuwa Maamu Goboleedyada oo an tagin Dhuusamareeb, sidoo kale loo balan sanaa gelinki dambe ee xalay si uu u furmo, hayeeshee uu mar kale dib u dhacay, kadib markii xilli dambe ay Magaalada Dhusamareeb tageen Madaxda Maamulada Jubbaland & Puntland.

Magaalada Dhuusmareeb ayaa waxaa kuwada sugan Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland, Jubbaland  & guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ee Dhuusamareeb ayaa waxaa looga hadli doonaa xal ka gaarista muranka hareeyay heshiiskii doorashooyinka dalka ee la gaaray 17-kii Sebteembar ee 2020.

Sidoo kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in shirka looga hadli doono khilaafka u dhaxeeyay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo hakiyay wada-shaqeynta labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jiri doona kulamo gooni gooni ah oo ay yeelan doonaan Madaxda dowladda iyo dowlad Goboleedyada ku wda sugan Magaalada Dhuusamareeb si ay uga wada hadlaan xaaladda dallka.

Shirka wadatashiga Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan hadii heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka dalka si xal loogu helo khilaafka hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.

Iyadoona Shacabka Soomaaliyeed ay indhaha kuwada hayaan waxa laga filan karo ee kaso bixi doona Shirkaasi ..

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply