Soomaaliland Oo Maanta Xabsiga Kasii Deysay Labo Fanaan Oo Bilo Xirnaa

Labo Fanaan oo ka mid ahaa Heesaa ayaa Maanta Maxkamada Maroodi jeex Xabsiga ay amartay in laga sii daayo kadib dacwadooda oo la dhageystay.

Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa la xiray bishii April Ee Sanadkaan xilligaas oo ay dib uga laabteen Magaalada Muqdisho oo ay muddo kusugnaayeen.

Waxa Fanaaniintani ay kasoo muuqdeen Heeso ay uqaadeen Madaxda Dawlada Soomaaliya,islamarkaana la sheegay inay Soomaaliland ku heysatay inay Siyaasad u adeegsadeen Fankooda.

Labada Fanaan waxaa sidoo kale markii ay ku laabteen Hargeysa lala xiray Fanaanka Saalax Carab inkastoo isagoo isbuucyo ka hor lasii daayey markii uu sheegay inuu yahay Yemeni oo aan Soomaali aheyn.

Waxay Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali umahad celiyeen cid walbo oo ka xumaatay Xarigooda iyo kuwii udooday in ay Xoriyadooda Helaan taas oo ay ugu dambeyn maanta Leerta iyo Iftiinka Hawada ah ay heleen.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply