Soomaaliya Oo Cambaareysey Isku daygii Dil Ee R/wasaare Hamdouk

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Sudan Abdullah Hamdouk ayaa waxa uu ka mahad celiyey Madaxda kala duwan Ee Lasoo xiriirtay kadib Shirqoolkii fashilmay Ee shalay lagu dili rabay.

Wakaalada Wararka Sudan Ee SUNA ayaa daabacday Warbixintaan iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ka mid ahaa Shakhsiyaadka Taleefoonka kula hadlay Ra’iisal Wasaare Hamdouk.

Xoghayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Sudan ayaa sheegay in uu kaga mahad celiyey madaxda lasoo hadashay iyo sida ay garab istaag ugu muujiyeen.

Xoghaye Al Burag ayaa sheegay in Ra’iisal W asaaraha ay Madax badan lasoo xiriireen iyagoo urajeeyey inuu caafimaad iyo cimri dheeri helo,kasokoow inay cambaareeyeen Isku daygii dhici soobay Ee Lagu khaarajin lahaa.

Madaxda Dalalka Jarmalka, Faransiiska, Sacuudi Carabiya, Imaaraat-ka Carabta, Koonfurta Sudan, Masar, Qatar, Soomaaliya, Chad, Canada, Mareykanka, iyo Ingiriiska,Howlgalka Midowga Africa iyo Howlgalka Qaramada Midoobeey UNAMID.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

Xigasho: Wakaalada Wararka Sudan

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply