Suuqa Sarifka Lacagaha Dalka Bakistaan Oo Koox Hubeysan Saaka Weerareen

Booliska Dalka Bakistaan ayaa sheegay in Dableey la aqoon ay weerar ku qaadeen Suuq Sarifka Lacagaha ah oo ku yaalla Magaalada Dekada Leh Ee Karaaji.

Koonfuta Karaaji ayuu weerarkaan ka dhacay Saaka oo Isniin ah,iyadoo khasaaraha ka dahshay uu isa soo tarayo iminka,iyadoo Wararku sheegayaan in Kooxda Hujuumka qaaday ay tiradooda gaareysay Afar Qof.

Sargaal u hadlay Ciidamada Booliska oo lagu magacaabo Riswaan Axmed ayaa sheegay in Dableyda Hubeysneyd ay rasaas ku fureen xilli ay gudaha ugaleen dhismaha Lacagaha lagu sarifayey.

Wey adag tahay in la ogaado Khasaaraha inta uu la eg yahay,balse Sagaal Qof ayaa la sheegay inay dhinteen oo si hordhac ah loo ogaaday.

Ciidamo Badan ayaa isku geedaamay Dhismaha la weeraray si ay ugu bac bac dhigaan Kooxda weerarka soo qaaday,weliba Ciidanka gaarka loo tababaray ayaa Dawlada Bakistaan ay udirtay.

Meesha la weeraray waxaa sidoo kale ku yaalla Bankiga dhexe Ee Dalka Bakistaan aad ayaana loo ilaalinayaa si looga hortego weerar lagu ekeeyo.

Telefishin ku yaalla Gudaha Dalkaasi ayaa faafiyey Booliska oo hareereeyey Dhismaha Suuqa Sarifka Ee la beegsaday iyadoo Banaanka hore la arkayey Ciidanka oo kusugan.

Karaaji Waa Magaalada ugu weyn Dalka Bakistaan,balse Caasimada Dalkaasi maaha,iyadoo Magaalada ugu weyn Ee Dunida Kaalinta 7aad ay kaga jirto.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply