Taliska Booliska G/Bari Oo Gubay Jaad Si Qarsoodi ah Loo soo Galiyay Gobolkaasi……

Ciidamada Booliska Gobolka Bari oo howlgal ka sameeyay Magaalada Boosaaso waxa ay ku soo qabteen jaad (qaad) si qarsoodi ah loosoo galiyay deegaanada Maamulkaasi.

Howlgalkaani ayay Ciidamada booliska Puntland waxa kusoo bandhigeen Jaad badan kasoo la keenay Magaalada boosaaso,iyagoona Ciidamada amniga Goob fagaare ah ku gubay.

Taliyaha Qeybta ciidmada Booliska Gobolka Bari G/sare Taliye Xuseen Cali Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in ay howlgalada la joojin doonin inta laga dabar jaraayo jaadka lakeeno deegaanka Maamulkaasi.

Ciidmada amniga Gobolka Bari ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay soo bandhigeen Jaad badan oo si qarsoodi ah lagu soo galiyay deegaanada Maamulkaasi.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply