Taliska Xoogga Dalka Oo Sheegay in 4 Al Shabaab Ah Ku Dileen Janaale

Dowladda Federaalka Oo Ka Hadashay Duqeymo Maanta Ka Dhacay Mudug

Warbixin Afka Ingiriiska ku qorneyd oo kasoo baxay Dawlada Soomaaliya ayaa looga hadlay Duqeyn diyaaradeed oo saacado ka hor laga fuliyey Gobolka Shabellaha Hoose.

Warbixinta Taliska Guud Ee Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in Howlgal qorsheysan laga fuliyey Aagga Deegaanka Janaale halkaas oo lagu khaarajiyey sida Dawlada Soomaaliya sheegtay Afar Xubnood oo katirsan Al Shabaab.

“Galabnimadii 9 Bisha Maarso aheyd 2020,waxaa Ciidamada Dawlada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ku dileen Janaale meel udhaw Afar Dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab,kuwaas oo duqeyn dhinaca cirka ah lagu dilay,sidaas waxa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya”.

Weerarkaan oo shalay galab dhacay waxay Dawladu sheegtay inaysan jirin Howlgalkaas Shacabka khasaaro kasoo gaartay,iyadoo Saaxiibada Soomaaliya Ee Hujuumkaas ku wehlinayey Ciidanka Dawlada ay xaqiijiyeen in Saldhig Al Shabaab lahaayeen la duqeeyey.

Xukuumada Soomaaliya & Howlgalka AFRICOM waxay sheegeen in 27 Xubnood oo katirsanaa Al Shabaab la dilay tan iyo Sanadkaan intuu bilowday 2020-ka.

Waxay sheegeen Dawlada Soomaaliya iyo Ciidanka Mareykanka Ee taageeraya inay sii wadi doonaan Howlgalada nuucana ah inta Al Shabaab laga xoreenayo Soomaaliya oo dhan.

Waxaa Soo Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply