Taliyihii Booliska Degmada Boondheere Oo Xilka Laga Qaaday

Waxaa Galabta Xilkii laga qaaday Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada Boondheere Ee Magaalada Muqdisho Najiib Carab.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilka ka xayuubiyey Taliyahaas kadib dhacdadii xalay Ka dhacday isgoyska Jubba.

Waxa la sheegay in Taliye Najiib uu xilka ku waayey kadib Amarka Ciidankii uu diray isaga bixiyey Ee Marxuumiintaas Askarigii dilay Saldhigaas ka mid ahaa.

Taliye Xijaar ayaa dhanka kale Amray Ciidamada iyo Saraakiisha Booliska inaysan dhibaato ugeysan Shacabka Xilliga Bandowga jiro.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply