Toogasho Ka Dhacday Goob Laga Dukaameysto Dalka Mareykanka

8 Sano Jir ayaa ku dhintay Seddex kalena waa la dhaawacay Toogasho laga fuliyey Goob laga dukaameysto oo ku taalla Gobolka Alabama.

Waxa Sidaas sheegay Booliska,waxaana Sargaal lagu magacaabo Niig Derisiis uu sheegay in Wiil 8 Sano Jir ah la dilay.

Weerarka oo dhacay Xilli Galab ah Mashquulna ka jiray Goobta ayaa dableey hubeysan ay rasaas ka fuliyeen Dukaankaasi.

Gabar iyo Labo Qof kale oo la sheegay inay dad qaan gaar ah ahaayeen ayaa Cusbitaalka loola cararay Kuna dhaawacmay Toogashada ka dhacday Gobolka Alabama.

Weerarkaas weli mid argagaxiso laguma sheegin,baaritaano ayaana socda sida lasoo tebinayo,waxaana meesha la beegsaday Lagu Magacaabaa Xarunta Dukaameysiga Ee Riferjeese Galleriyaa Shoobing Mool.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply