Turkiga oo Fariin u diray muwaadiniintiisa ku sugan Myanmar .

Safaaradda dalka Turkiga ee Myanmar ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxaddar badan kana fogaadaan meelaha ay ka socdaan banaanbaxyada ka dhacaya magaalooyinka kala duwan ee dalkaas

Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa looga sheegay muwaadiniinta Turkiga ah inay ku sugnaadaan guryahooda inta ay ka degeyso xaaladda dalka Myanmar.

Bayaanka ayaa sidoo kale ku war geliyay  muwaadiniinta inay safaaradda laso xariiraan haddii ay dareemaan halis.

1-dii February, waxaa talada dalka Myanmar la wareegay ciidmada militeriga iyagoo xirxiray mas’uuliyiintii xisibigii xukumaayay dalka.

Mudaharaadyo looga soo hor jeedo afgenbigii ciidanka ayaa ka socda magaalooyinka kala duwan ee dalkaas

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *