Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Qaadacay Gudiyadi Uu ku Dhawaaqay RW Rooble.

Iyadoo Maalinba Maalinta Ka Danbaysa Ay Sii Kordhayaan Dhinacyada Tabashooyinka Ka Qaba Habka Loo Marayo Fulinta Heshiisyadii Ay Madaxda Dawlada Dhexe Iyo kuwa Dawlad Goboledyada Ka Gaareen Doorashooyinka Dalka Ayaa Waxaa Arintaasi Dhankooda Ka Hadlay Ururada Bulshada Rayidka Ah Ee Dalka.

Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Ah Muxiidiin Cusmaan Shaatax Oo Waraysi Gaar Ah Siinayay Idaacadani Kaah Ee Muqdisho Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Walaac Buuxda Laga Qabo In Dawlada Dhexe Aysan Fulin Heshiiski La Gaaray.

Waxaa Uu Dhanka Kale Carabka Ku Dhuftay In Waqti Walba Isqab Qabsi Iyo Khilaaf Laga Dhaxli Karo Fulin La’aanta Heshiisyadaasi, Dawlada Dhexana Ay Qasab Ku Tahay Dib Ugu Laabashada Gudiyadii Lagu Dhawaaqay Ee Doorashooyinka Iyo Xalinta Khilaafaadka Oo Uu Ku Sheegay Kuwa Aan Loo Dhamaynt.

Hadalka Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Ah Cusmaan Muxiidiin Shaatax Ayaa Kusoo Aadaya Iyado Tan Iyo Markii Raisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Uu Ku Dhawaaqay Gudiyada Doorashada Iyo Xalinta Khilaafaadka Ay Sii Kordhayaan Dhinacyada Qaadacaya Gudiyadaasi.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA:

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *