Ururka SJS Oo Cambaareeyey Ciidanka NISA Oo Xalay Damiyey Warbaahinta Kaah Media Group

War kooban oo Afka ingiriiska ku qornaa ayey Ururka Udooda Saxaafada Ee SJS waxay ka hadleen ciidamo hubeysan oo gudaha ugalay Xalay Xarunta Warbaahinta Kaah Media Group.

SJA waxay Cambaareysay Falkaasi Lagu Damiyey Idaacada Madaxa Banaan Ee Kaah,iyadoo ay sidoo kale wax laga xumaado ku sheegtay Tacadiga Warbaahinta Xorta ah wajahayaan.

Xariga Agaasimaha Radio Kaah Cumar Axmed Hilowle ayey sheegtay in xarigiisii Isniintii lagula kacay iyo Hawada laga saaray Raadiyaha Kaah uu ahaa mid ka fog xoriyada Hadalka.

Qoraalkaan ayaa lasoo dhigay Barta Twitterka Ee Ururka SJS iyagoo ka xumaaday Falka lagu xiray Kaah Media Group inkastoo markii dambe Xoriyada Agaasimaha loo soo celiyey Idaacadaha Kaah iyo Daryeel dib hawada ugu soo laabteen.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply