Wadada Siinaay Ilaa Dalcada Boondheere | Shalay & Maanta (SAWIRRO)

Maalmihii dambe waxaa dhisme Wadada ah uu ka socday Wadada Isgoyska Siinaay ka baxda ee aada Dhinaca Dalcada Boondheere Ee Toos u gasha dhinaca Daljirka Dahsoon.

Waxay Wadadaan aheyd mid bur bur xoog leh ka muuqday balse waxaa caro iyo jaay lagu shubay dhawaan qaaday qeyb ka mid ah Roobkii da’ay.

Shaqaalaha dhisaya Wadada ayaa mar kale wadada hagaajiyey taas oo ugu dambeyn Xalay la saaray laami qeyb ka mid ah Wadada oo aad quruxdeeda usoo baxday.

Saaka oo wariyeyaal katirsan Radio Kaah soo mareen wadadaas waxay sheegeen in kudhawaad 100 Talaabo la saaray Laamiga oo shaqada ay sii socon doonto sida ay shaqaalaha sheegeen wadada dhisaya.

Ka hor inta aysan Wadada la dhisin waxay aheyd mid boholo ah oo dadka iyo baabuurtaba ay ka caageen inay isticmaalaan halkaasi,godad waa weyn oo ka sameysmay awgeed.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply