Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Badankood Maanta Xiran

Qaar ka mid ah Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxay maanta yihiin kuwo Xiran kadib Banaanbaxyo Dawlada Lagu taageerayo oo ka socda Fagaaraha Daljirka Dahsoon.

Waddooyinka Xiran waxaa ka mid ah Maka Al Mukarama iyo Agagaarka Daljirka oo dibad baxa uu ka socdo,mas’uuliyiina ay ka qeyb galayaan.

Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Muqdisho ayaa la war geliyey Xalay in Dibad bax maanta jiro,taas oo la amray inay Dadka deggan Xaafadaha la isku soo banaan bixiyo.

Qaar kamid ah Dad Goobaha Caafimaadka usocday ayaa waddooyinka ay saaka ku xirmeen markii loo diiday inay ka gudbaan Waddooyinka oo ciidamada Amniga lasoo dhoobay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply