Wafdi Kasocda Dawlada Oo Gaaray Dooloow Iyo Beledxaawo.

Wafdi Balaaran Oo kasocda Dawlada Somalia Islamarkaana isugu Jira wasiiro Iyo Taliyaal Ciidan Ayaa Maanta Ka Dagay  Degmada Doolow Ee Gobolka Gedo Halkaas Oo Ay utageen In Ay Ukuur Galaan Xaalada ka Jirta Deegaanka Iyo Qasaaraha Gaaray Shacabka Ku Dhaqan Halakasi.

Wafdigan Ayaa Waxaa Qayb Ka Ah Wasiirka Warfaafinta Cusman Abukar Dubbe, wasiirka Gaashaandhiga Xasan Xsueen Xaaji, Wasiirka Cadalada Cabdulqadir Maxamed Nuur Iyo Taliyaal Ciidan Waxaana Marki Ay tageen degmada Doolow Ay La Kulmeen Ciidamada Halkaasi ku Sugan Oo Ay Kamid Yihiin Maxaabiis Lagu Qabtay Dagaalki Dhawaan ka Dhacay Degmada Beledxaawo Ee Isla Gobolkaasi.

Saraakiisha Ciidamada Ku Sugan Doolow Ayaa Ka Dhagaysteen Warbixino Kala Duwan Oo La Xiriira Xaladaha Nololeed Iyo Tan Amni.

Intaa Kadib Wafdiga Ayaa Ugudbay Degmada Beledxaawo Ee Gobolka Gedo Halakas oo Ay Dhawaan isku Fara Saareen ciidamo Ka Tirsan Xooga Dalka Iyo Kuwa Maamulka Jubaland, Waxaana Mas’uuliyiintu Ay La Kulmeen Saraakisha Kala Duwan Ee Ciidamada Ku Sugan Degmada Beledxaawo iyagoo Sidoo Kalana La Filayo In Ay Ukuur Galaan Qasaaraha Gaaray Shacabka.

Marka Uu Soo Gabagaboomo Socdaalkooda Ayaa La Rajaynayaa In Masuuliyiinta Wafdiga Qaybta Ka Ah Ay Faah Faahiyaan Socdaalka Ay Ku Tageen Degmooyinka Hoostaga Gobolka Gedo.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply