Wafdi Kasocda Dawlada Somalia Oo Gaaray Gobolka Bakool.

Wafdigan Oo Isugu Jira wasiiro Xildhibaano Iyo Mas’uuliyiin Kala Duwan oo Kasocda Dawlada Somalia Ayaa Maanta Gaaray degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Halkaas Oo Ay utageen Ukuur galista Xaaladaha Bini Aadanimo Ee Ka Jira Deegaanka.

Xubnaha Wafdigan Qaybta Ka Ah Ayaa Waxaa Kamid Ah wasiirka Wasaarada Cadaalada XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Haweenka  Iyo Xuquuqul Insaanka Xaniifa Maxamed Xaabsade, Iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim Oo Dhamaantood Bardaale Utagay Ugurmashada Dadka Ay Lasoo Daristay Xaaladaha Kala Duwan ee Dhanka Nolosha.

Sidoo kale Wafdigan Waxaa Ay Bardaale Gaarsiiyen Diyaarad Sida Garagar Taas Oo Hordhac Uah Gurmadka Ay dawladu udirayso Deegaanka Sida Ay Sheegayaan Ilo Xog Ogaal Ah.

Masuuliyiinta Kasocda Dawlada Ayaa Kulamo Gaar Ah La Qaadan Doona Mas’uuliyiinta Degmada Bardaale Iyo Kuwa KGS Oo Ay Kala Hadli Doonaan Xaalada Ka Jirta Deegaanada Gobolada Baay Iyo Bakool Oo Xaalado Kala Duwan Oo Dhanka Nolosha Ah Lagasoo Warinayay.

Dhawaan Ayay Ahayd Markii Dawlada Somalia Iyo Maamulka KG Ay Si Isku Mid Ah Gargaar Ugaarsiiyeen Degmada Xudur Ee G/Bakool Oo Lagasoo Wariyay Xaalado bini Aadanimo Oo Aad Udaran Kadib Go’odoon Ay Alshabaab Saareen Deegaanka.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Mohamed Hassan Mohamed I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply