War Deg Deg Ah: Rasaas Ka Dhaceysa Duleedka Beled Weyne

Sida ay Ilo deegaanka ah usheegeen Idaacada Kaah Ee Muqdisho waxaa rasaas laga maqlayaa saaka oo Khamiis ah Deegaanka Bitaale Ee Galbeedka Beled weyne ku yaalla.

Dagaalka ayaan faah faahino badan laga heyn waxaase la xaqiijiyey inuu udhaxeeyo Ciidamada Dawlada iyo Xoogaga Al Shabaab.

Hugunka rasaasta kala duwan ayaana la maqlayaa waxaana la ogeyn khasaaraha inta uu la eg yahay maadaama weli dagaalka socdo.

Dhinaca kale deegaanka Ceel cali ayaa waxaa habeenimadii xalay ku dagaalamay maleeshiyada Macawiisleyda ah iyo Xoogaga Al Shabaab.

Lama sheein khasaaraha dagaalkii ceel cali xalay ka dhacay Ee Al Shabaab iyo Macawiisleyda soo kala gaaray,waxaana dirirtaas ay daba socotaa dagaalkii dhagaxa qaaliga ee deegaankaas dhawaan laga helay.

About Radio Kaah

Welcome to radiokaah, my name is Abdullahi Mohamed Osman I am the administrator of this radio, you get from our radio the latest news, sports, livestream, etc.

View all posts by Radio Kaah →

Leave a Reply